Caawimo degdeg ah

Cudurada iyo dhaawacyada khatarta ah wac marwalba 112.

Raadso daryeel caafimaad oo sax ah oo adiga kuu dhow. Halkan waxaad ka heleysaa dulmar guud oo ku saabsan daryeelka degdega ah ee laga wado gobolka Stockholm.

1177 way ku hagayaan

Haddii aadan hubin halka aad la xiriirayso, wac 1177. Halkaas waxaad ka heleysaa kalkaaliye caafimaad oo khibrad leh oo kaa caawin doona inaad hesho daryeelka saxda ah.

Sök vård på rätt mottagning (daryeel caafimaad ka raadso qaybta saxda ah)

Rugta caafimaadka (Vårdcentralen)

Rugta caafimaadku waa meesha ugu horaysa ee aad la xiriirayso marka aad u baahan tahay in aad la kulanto takhtar ama kalkaaliye caafimaad. Halkaa ayaad la xiriiraysaa haddii aad tusaale ahaan ay qandho badani ku hayso, kaadi mareenka, infekshanka neef mareenka ama uu maqaarka infekshan kaaga dhacay, haddii ay jiraan cuduro joogo ah oo aad qabto kuwaas oo kugu sii xumaaday, nabar kugu dhacay ama finan degdeg ah oo jirka kaa soo baxay. Rugta caafimaadku wuxuu furan yahay maalmaha la shaqeeyo oo dhan.

Här hittar du alla våra vårdcentraler (halkan waxaad ka heleysaa xarumeeheena caafimaadka dhammaantood)

Guryaha caafimaadka qaabila khadka tooska (online) maalin kasta usbuucii

Xarumahayaga caafimaadka iyo gurha caafimaadka qaabila fiidiyoow ayaad kula xiriiri kartaa adiga oo adeegsanaya appen Alltid öppet.
Guryahayaga caafimaadku way u furan yihiin khadka tooska ah (online) maalinkasta usbuucii saacadah 7-21.

Läs mer om appen Alltid öppet (ka akhri macluumaad dheeraad ah apka markasta furan)

Baabuurta caafimaadka heeganka (Jourläkarbilar)

Waxa kale oo jira baabuurta heeganka caafimaadka oo shaqeeya fiidkii, habeennada iyo fasaxa. Iyaga ayaa loogu talagalay haddii aad adigu u baahan tahay daryeel degdeg ah laakiin way ku adag tahay inay iyagu kuu kaxeeyaan qaybta qaabilaada (mottaning). Wac 1177 haddii aad u baahato baabuurta heeganka.

Gargaarka degdega dhow (närakuten)

Gargaarka degdega dhow waxay dadka waaweyn iyo carruurtuba da’ kasta ha lahaadeena ay ka helikaraan caawimo ku saabsan cudurada degdega ah iyo shilalka aan khatarta weyn ahayn (livshotande). Gargaarka degdega dhow waxaa loogu talagalay haddii aad adigu u baahato daryeel degdeg ah oo ka badan inta ay rugtaada caafimaadku ama guryaha caafimaadka heeganku ku siin karaan in ka badan. Tusaale ahaan, gacmo- ama lugo jaban, maskax ruxam/jahwareer, dhaawacyo nabarro waaweyn, shaki laga qabo dhiiga oo guntama (xinjirowga) iyo dhibaato allerji/xasaasiyad xun oo kugu timaada. Gargaarka degdega dhow wuxuu qaabilaa carruurta laga bilaabo 0 sano jirka ah.

Här finns våra närakuter (halkan waxa ku yaala gargaaradii degdega dhowaa)

Daryeelka caafimaadka maskaxda

Haddii aad u baahan tahay gargaar degdeg ah oo xagga maskaxda ah, ku soo dhawow inaad la soo xiriirto qaybaha heeganka iska leh ama qaybta qaabilaada degdega maskaxda. Nasiib darro qaybta degdega wakhtiga la sugayo wuu dheer yahay, halka ay qaybaha qaabilaadaha degdegu ay adiga ku siinkaraan caawimo dhakhso leh.

Mer information om den psykiatriska akutvården (warbixin dhiieraad ah oo ku saabsan daryeelka degdega maskaxda)

Qaybaha qaabilaadaha degdega isbitaalka

Qaybaha qaabilaadaha degdega isbitaalku waxay qaabilayaan marka ay adigu kugu dhacaan cuduro iyo dhaawacyo aad khatar ugu ah naftaada iyo noloshaadaba. Wac 112 ama 1177 si aad u timaado qaybta degdega ee saxda ah.