Aragtiyada iyo cabashooyinka

Waxaanu annagu jeclaan lahayn in aanu ogaano aragtida aad adiga iyo qaraabadaaduba ka qabtaan daryeelka caafimaad ee adiga lagu siiyey sida uu yahay. Waxay annaga naga caawinaysaa in aanu si joogto ah u hagaajino rootiinka iyo hababka aanu wax u qabo.

U tag qaybta adiga daryeelka ku siisay

Waxa adiga marwalba lagugu soo dhoweynayaa in aad keento wixii aragti ee aad ka qabto daryeelka caafimaadka. Waxaad u tegeysaa qaybta ama meesha markaa adiga ku khuseysa. Qaybtaa ama meeshaa ayaa si wanaagsan kuugu sharaxaysa sida ay wax u dhaceen iyaga ayaana qaadaya tallaabooyin looga horteygayo si aanay markale u dhicin. Waad isqarinkartaa haddii aad doonayso, laakiin ogow jawaab laguu soo dirimaayo.

Marka aad adigu keento wixii aragti ah ee aad hayso waxa markaa haboon inay qaybtaasi sida ugu dhakhsaha badan ay kuugu soo xaqiijiyaan in ay heleen aragtidaadii aad u soo gudbisay. Waa in aad adigu jawaab ku hesho afar usbuuc gudahood, laakiin marka laga reebo kiisaska u baahan in wakhti dheer la baaro, wakhti dheer ayey qaadanayaan. Haddii ay adiga da’daadu ka yartahay 18 sannadood waxaanu marwalba isku deyeynaa in aanu kuugu soo jawaabno inta ka horeysa afar usbuuc. Jawaabta waa in si cad loo qeexo si aad adigu u fahamto.

Su’aalaha khuseeya baahi daryeel caafimaad ama xaalad cudur

Haddii aad qabto su’aalo ku khuseeya baahi daryeel ama xaalad cudur waxaad la xiriiraysaa hagaha daryeelka caafimaadka 1177 ama rugta caafimaadka ee adiga ku qaabilsan.

La taliyaha dadka jirran

Waxaad sidoo kale aragtiyadaada iyo cabashooyinkaagaba u gudbikartaa la taliyaha dadka jirran ee nawaaxiga gobolka Stockholm.

Noo soo qor warqad, xusuusnow in aad ku qorto macluumaadkaaga si aanu annagu dib adiga kuula soo xiriirno. Haddii aanad rabin wax jawaab ah si qarsoodi ah ayaad aragtiyadaada noogu soo gudbinkartaa.

Warqadda waxa loo dirayaa:

Stockholms läns sjukvårdsområde

Patientvägledare

Box 45436

104 31 STOCKHOLM

Waxaad xitaa la taliyaha dadka jirran ka wicikartaa telefoonka 08-123 400 40.