Ammaanka dadka jirran

Waxaanu annagu si heer sare ah isugu taxalujinaa in aanu ka fikirno dhinaca ammaanka ee khuseeya dhammaan su’aalaa daryeelka caafimaadka.

Sidaa daraadeed waxa annaga muhiim noo ah inay dadku ogaado inuu khaladaad ka dhicikaro daryeelka caafimaadka. Khaladku si lama filaan ah uma dhaco, ee waxa inta badan ka dambeeya cilad ka timaada dhinaca nidaamka la raaco ama maamulka arrinta wada oo khalad ka jiro.

Maadaama khaladku uu yahay wax kaduwan sidii uu runtaantii daryeelkac caafimaadku ahaan lahaa, waxaanu annagu inta badan ka hadlnaa in aanu soo gudbino oo aanu maarayno wixii ka duwanaa.

Marka ay wax dhacaan

Haddii ay dhacaan wax ka duwan wixii caadiga ahaa oo uu qof dhaawacmo, markaa hadaanu nahay dadka ka shaqeeya caafimaadka- iyo daryeelka jirooyinka waxaanu ku khasbanahay in aanu marwalba soo gudbino wixii dhacay. Miyaad ogay adigu in aanu annagu xitaa soo gudbino waxyaabaha khatarta ku ah qofka ee uu  ku dhaawacmikaro, xitaa haddii aanay dhicin?

Waxaanu baarnaa dhacdooyinka (ka duwanaanshaha) kadibna waxaanu qaadnaa tallaabooyin aanu uga horegeyno si aanay markale u dhicin. Haddii adiga oo ah qofkii jiranaan aad ku dhaacanto daryeelka caafimaadka ama qaraabadaaduba waa in aad heshaan warbixinta aad u baahan tihiin

Waxa adiga sidoo kale lagu siinayaa warbixin ku saabsan in aad dacwo wixii dhacay u gudbiso Hey’adda kormeerka caafimaadka iyo daryeelka (IVO), Guddida bukaan socdka (Patientnämnden), shirkada caymiska gobolka (Landstingens ömsesidiga försäkringsbolag) iyo shirkada caymiska daawooyinka (Läkemedelsförsäkringen).

Hababka nidaamsan waxa laga helaa natiijooyin

Shaqaalahayagu waxay helaan tababaro waxbarsho oo ku saabsan khataraha nidaamsan- iyo natiijooyinka sababaha ah ee keena. Qayb kastaa waa inay lahaataa ugu yaraan hal qof oo shaqaale ah oo aqoon dheeraad ah u leh arrintaas. Qayb kastaa waxay si gooni ah u leedahay istaraatiijiyado ay ugu talagaleen shaqadooda ku wajahan ammaanka bukaan socodka.

Falanqaynta- iyo sababaha keena waxa sidoo kale lagu sameeyaa heer dhexe markii loo baahdo (central nivå). Intaas oo dhan waxaanu annagu si joogto ah ula soconkarnaa oo aanu u qiimaynkarnaa ammaanka bukaan socodka ama dadka jiran.

Gacan ayaad adigu ka geysankartaa

Dhaqanka ammaanka laguma abuurikaro hal habeen oo keliya. Waa natiijada ka soo baxda marka uu qof waliba isku taxalujiyo haddii si joogto ah dib loogu eego haddii waxyaabihii aanu samaynay si sax ah u samaynay.

Sidaa daraadeed waxaanu adiga oo ah qofka bukaan socodka aha ama qaraabadaada ku dhiirigelinaynaa in aad soo gudbisaan haddii uu khalad dhacay, si aanu u baarno oo aanu u helno fursado ka sii wanaagsan.