Bay’ad

Gudaha daryeelka caafimaadka ee gobolka Stockholm waxaanu ku dadaalaynaa saamaynta ugu yar ee suurtogalka ah ee dhinaca bay’adda (miljöpåverkan).

Shaqadayada bay’adda waxa maamula Barnaamijka bay’adda 2017-2021 ee Gobolka Stockholm. Barnaamijku wuxuu ka kooban yahay dhowr qaybood oo bartilmaameedyo ah kuwaas oo annaga naga saamaynaya kuwan soo socda:

Silsilada daawooyinka raaga

Waxaanu hoos u dhigidoonaa saamaynta ay daawooyinku ku yeelanayaan bay’adda marka la samaynayo, la isticmaalayo iyo marka la tuurayo annagoo si wax ku ool ka dhigayna habka aanu u maarayno daawooyinka.

Mid ka mid ah sababha ugu horeeya in daawooyinka la tuuro ayaa ah inay dhaaceen oo ay dhaafeen wakhtigii. In si wax ku ool ah loo maareeyo daawooyinka daryeelka caafimaadka gudihiisa iyo in laga taxadaro soo iibsashada daawooyinka aan loo baahnayn, yaranta tuuristooda, maxaa yeelay samaamyn ayey bay’adda ku yeelanayaan marka la samaynayo- iyo marka la qaybinayaba.

Qoraal: ka akhri qoraal dheeraad ah oo ku saabsan tusaalooyin wanaagsan halkan:

Maaraynta dharka si wax ku ool ah iyo saamanyta yaraynta ee uu ku yeelanayo bay’adda marka la isticmaalo halmar- iyo marka dhowr goor la istcimaalo

In si wax ku ool ah u maaraynta dharka iyo saamaynta yaraynta ee uu bay’adda ku yeelanayo

Waxaanu fulindoonaa hawlo gacan ka geysta hagaajinta xawliga miisaaniyada, yaranta khasaaraha iyo yartanta waxyaabaha la tuurayo ee aan caadiga ahayn ee dharka shaqaalaha- iyo dadka bukaan socodka. Sidan oo kale ayaanu ku yaranaynaa baahida loo qabo in dhar cusun la soo sameeyo.

In la sameeyo 1 shay/maro macnaheedu waa celcelis ahaan sidan soo socota ayey saamayn bay’adda ugu yeelataa

  • 2 700 l oo biyo ah ayaa la isticmaalaa marka cudbiga la beerayo
  • 150 g oo kiimiko ah ayaa lagu isticmaalaa samaynta dharka

Intaa waxa noo sii dheer in aanu isticmaali doono dharka halka mar la isticmaalo oo keliya kaas oo aan nooga baahnayn sababo la xiriira ammaanka bukaan socodka (patientsäkerhetsskäl).

Cuntooyinka waara oo loogu talagalay bukaan socodka

Waxaanu soo saaraynaa shuruudo la xiriira waaritaanka marka aanu wax soo iibsanayno (tusaale ahaan daryeelka xoolaha iyo isticmaalka antibiotikada oo hooseeya), kordhinta cuntada dabiiciga ah ee deegaanka laga soo saaro iyo yaranta cuntada dadka bukaan socodka ee cimilada saamaynta ku yeelanaysa. Waa in aanu sidoo kale yaraynaa cuntada aanu qubayno.

Arrinta cuntadu way adag tahay waxaanay ku haabsan tahay meelo badan sida cimilada, bey’ad aan sun lahayn, kala duwanaanshaha noolaha iyo iska caabbiga iyo la dagaalanka iska caabiga antibiotikada adduunka. Marka la kordhinayo saamiga cuntada dabiiciga waxaanu gacan ka geysanaa qaab deeggaan ahaan u waaraya wax soo saarka beeraha. Taasi waxay gacan ka geysanaysaa ilaalinta kala duwanaanshaha bayolojiga iyo dhowrista kheyraadka dabiiciga ah, in la xuso tusaalooyin yar oo khuseeya saamaynta wanaagsan ee bay’adda

Gaadiidka dadweynaha iyo gaadiidka kale

Waxaanu kordhin doonaa qaybaha gaadiidkayaga ee ku socda shidaalka la cusboonaynsiin karo.

Isbedelka dhinaca cimilada ayaa ah mid ka mid ah su’aalaha ugu adag ee soo wajahaya aadanaha. Sidaa daraadeed waa muhiimada ugu weyn in la yareeyo qaaca/qiiqa karboon laba ogsaydhka iyo gaasaska kale ee saamaynaya kulaylka oogada dhulka oo ka imanaya hawada sare ee dhulka (växthusgaser). Si aanu u yarayno qaaca/qiica waxaanu tusaale ahaan xaddidaynaa kordhinta saamaynta kulaylka oogada dhulka oo ka imanaya hawada sare iyo soonka dhulka u dhow ee uu ka bilaabmayo.