Daryeelka aanu bixino

Deegaanka caafimaadka ee gobolka Stockholm wuxuu bixyaa daryeel caafimaad dhammaateed nolosha heerarkeeda.

Hawlgaladayada/meheradahayaga

Hawlahayagu/meheradahayagu waxay ku yaalaan degmooyinka gobolka iyo xaafadaha. Daryeelka caafimaadka aasaasiga ah waxaad ka heleysaa xarumaha caafimaadka, meelaha degdega ah ee dhow (närakuter), xarumaha dhalaanka (BVC) iyo daryeelka caafimaadka hooyooyinka (BMM), xarumaha caafimaadka dhalinyarada iyo qaybaha dadka lagu baxnaaniyo (rehabiliteringsenheter).

Waxaanu leenahay meherado gaar ah oo ku saabsan cudurka dhimirka carruurta- iyo kan dhalinyarada, kan dadka waaweyn, daryeelka dhinaca cuntada, daryeelka dadka balwada leh iyo  cilmi nafsiga iyadoo laga eegayo dhinaca dharciga. Waxaanu sidoo kale ka hawlgalaa qalabka wax caawiya, baxnaanin iyo caafimaad, daryeelka dadka waaweyn iyo daryeel caafimaad oo horumarsan oo loogu talagalay guriga.

Meelaha aanu dadka ku qaabilno, qaybaha isbilaada ka midka ah iyo meelaha kale ee aanu hawlaha ka wadno dadka qaarkood waxay u tahay markii ugu horaysay ee ay daryeelka caafimaadka la soo xiriiraan.

Waa inay noqotaa degdeg si aanu annagu kuu siino daryeel caafimaad oo sax ah. In la arko oo la maqlaa waa muhiim, haday noqoto adiga oo ah qofkii jiranaa iyo dadka qaraabadaada ah ee kuu dhow.

Daryeelka caafimaad ee ku saabsan nawaaxiga gobolka Stockholm

Waxaanu ka mid nahay Gobolka Stockholm oo waxaanu leenahay hawlaha horumarinta si adiga laguu siiyo daryeel caafimaad kuu dhow. Waxaanu ku qanacsanahay inuu daryeelku sii fiicnaanayo marka qofka jiran meel u dhow go’aankiisa laga gaarayo intii suurtogal ah.

Annaga waxa nasaaran mas’uuliyad aad u weyn sidaa daraadeed waxaanu si jooto ah uga shaqaynaa hagaajinta daryeelka caafimaadka. Waxaanu qiyaastii nahay 12 000 oo shaqaale ah oo leh aragti mustaqbal in aanu ku siino ”Dareel sax ah meesha iyo goorta aad u baahan tahay”.

Waxaanu annagu dadaal ugu jirnaa in adiga oo ah qofka deggan gobolka Stockholm in aad dareento ammaan oo aad u aragto in aad helikarto daryeel caafimaad oo la hubo.  Maadaama aad tahay qofkii jiranaa ee annaga la joogay waa in aad ku qanacsan tahay sida laguu qaabilay iyo natiijadii ka soo baxday daryeelkii aanu annagu bixinay.