Badbaadinta iyo maaraynta macluumaadka shakhsiga ee gudaha nawaaxiga daryeelka caafimaadka gobolka Stockholm

Mark kasta oo aad xiriir adigu la yeelato daryeelka caafimaadka, macluumaadka adiga kugu saabsan waa la diiwaangeliyaa. Waxaa si taxaddar leh loo go'aamiyaa sida daryeelku u diiwaangashan karo loona isticmaali karo macluumaadka shakhsiyeed. Sidaa darteed waxaan leenahay masuuliyad weyn inaan hubino in macluumaadkaaga shakhsiyeed loo maareeyo hab sax ah si loo hubiyo in la qabtay hawl wanaagsan oo aamin ah isla markaana loo ilaaliyo shartaada gaarka ah.

Boggan waxaa ku jira macluumaad ku saabsan waxa ay tahay xogta shaqsiyadeed, taas oo ku saabsan macnaha guud ee aan u baahannahay in aan wax uga qabanno xogta shakhsiga ah ee adiga kugu saabsan, sida aan u maamulno xogta iyo xuquuqda aad leedahay.

Waa maxay macluumaadka shakhsigu?

Xogta shaqsiyeed waa dhammaan macluumaadka lagu xiriirin karo laguna aqoonsan karo qofka. Waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, magac, sawir, cinwaan, lambar taleefan ama duubitaan maqal ah. Waxay sidoo kale noqon kartaa macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan caafimaadka ama wuxuu qofku qiimeeyo iyo afkaata qofka.

Goorma ayey daryeelka caafimaadka ee Gobolka Stockholm maaraynayaan macluumaadkayga shaqsiyeed?

Waxa jira xaalado dhowr ah marka aanu annagu maaraynayno macaluumaadka shakhsiyeed. Xaaladaha ugu caansan waa:

  • Qoraal diiwaangelin ah oo ku saabsan daryeelka caafimaadka.
  • Tirokoobka gudaha daryeelka caafimaadka.
  • Dabagalka hawsha la qabtay iyo hubinta tayada daryeelka.
  • Cilmi baaris ku saabsan daryeelka caafimaadka
  • Arrimaha shaqaalaha, sida mushahaarooyinka, jiro ku maqnaanshaha iyo codsiyada shaqooyinka.

Shuruucda iyo xeerarka lagu hogaamiyo

Macluumaadka shakhsiga waxa la ogol yahay in loo ururiyo oo loo maareeyo si waafasan hadafkii loogu talagay oo keliya. Lama oggola in macluumaadka shakhsiga la ururiyo wax ka badan inta lagama maarmaanka u ah hadafka loogu talagalay mooyaane. Sidoo kale macluumaadka lama oggola in la kaydiyo in ka badan wakhtiga lagama maarmaanka mooyaane ama loo maareeyo si ka duwan sidii markii u hore loogu talagalay. 

Maaraynta macluumaadka shakhsiga waxa xukuma dhowr sharci kuwaas oo ilaalinaya badbaabda shakhsinimadaada: tusaale ahaan sharciga helitaanka dadweynaha- iyo sharciga sirta, xeerka ilaalinta macluumaadka iyo sharciga macluumaadka bukaan socodka. Xeerka ilaalinta macluumaadka (xitaa waxa la yiraahdaa GDPR) waa sharci cusub oo EU-da oo dhan ka dhexeeya kaas oo beddelaya sharcigii hore ee macluumaadka shakhsiga.

Waa maxay ujeeddooyinka loo maaraynayo macluumaadkayga shakhsiyeed?För vilka ändamål behandlas mina personuppgifter?

Xogta shaqsiga ah waxaa loo ururin karaa loona maarayn karaa ujeedooyin gaar ah oo cayiman oo keliya, oo ay tahay inay salka ku hayso sharciga. Guud ahaan waxa laga bilaabayaa oggolaanshaha shakhsiga si markaa loo maareeyo macluumaadkii shakhsiga. Si kastaba ha noqtee waxa jira dhowr

Markay nawaaxiga daryeelka caafimaadka ee gobolka Stockholm ay maaraynayaan xogta shakhsiga ee aasaaska sharciga waa in badanaa howshu ay lagama maarmaan u tahay in:

  • ay fulinayaa hawl dan guud ah ama ay tahay adeegsiga awood hay’adeed, ama
  • Gudasho waajibaad sharci

Danta guud

Si hawshu u noqoto mid dan guud ah, waa inay taageero ku yeelataa nidaamka sharciga. Deegaanka caafimaadka ee gobolka Stockholm shaqooyinka ay qabtaan waxa lagu maamulaa sharciyo, qaraaro dawladeed, xeerar iyo go'aano siyaasadeed. Si aan awood ugu yeelano qabashada howlahan danta guud, waa inaan kiisas badan ka baaraandegno xogta shakhsiga ah.

Gudasho waajibaad sharcig ah

Maaddaama uu dareelka caafimaadka ee Gobolka Stockholm ay  tahay  hay’ad dadweyne waxaanu leenahay dhowr waajibaad sharciyeed oo ay tahay in aanu fulino. Tusaale ahaan, waxaa waajib nagu ah sharci ahaan in aanu fayl u samayno dukumintiyada oo aan diiwaangelino xogta shaqsiyadeed ee kiisaska kala duwan. Tusaale kale ayaa ah in sharci ahaan ay waajib nagu tahay in aanu diiwaangelino macluumaadka loo baahan yahay si loo siiyo bukaan socodka daryeel wanaag ioo leh badbaado , oo ay ku jiraan diiwaankayaga bukaan socodka.

Yaa ka mas’uul ah maaraytnta macluumaadkayga shakhsiyeed?

Daryeelka caafimaadka ee gobolka Stockholm ayaa mas'uul ka ah xogta shakhsiga iyaga ayaana iska leh mas’uuliyada ugu saraysa ee maaraynta macluumaadka shakhsiya. Guddiga daryeelka caafimaadka ee gobolka Stockholm ayaa leh mas'uuliyadda ugu saraysa ee macluumaadka shakhsiyeed, laakiin iyada oo loo marayo wefdi, agaasimaha daryeelka isbitaalka ayaa leh mas'uuliyadda guud. Waxaanu sidoo kale magacawnay wakiilo ilaaliya xogta kuwaas oo hubiya in la raacayo sharciyada ku xusan sharciga ilaalinta xogta iyo xeerarka kale ee khuseeya nawaaxiga.

Sidee xogtayda shakhsinimo loo ilaaliyaa?

Meesha arrinta laga bilaabayaa waa macluumaadka shakhsiga waxa helikara dadka u baahan oo keliya. Waxa jira nidaamyo iyo sistam lagu hubinayo in macluumaadka shakhsiga loo maareeyey oo loo ilaaliyey hab aammin ah.

Daryeelka caafimaadka gudihiisa, waxaa sidoo kale jira xeerar iyaguna gaar ah oo ku saabsan ilaalinta macluumaadka bukaan socodka.

Macluumaadkayga shakhsiyeed miyaa loo gudbinkaraa cidkale?

Mabda’a ku takrifalka helitaanka dukumentiyada dadweynaha ayaa ah inuu qof walba xaq u leeyahay si uu u helo waxqabadka hay’addaha dawlada, tusaale ahaan inuu helo dukumentiyada dadweynaha. Xogta shaqsiyadeed ee dukumiintiyada guud waa la codsan karaa waana la bixinkaraa iyadoo la raacayo mabda'a helitaanka dukumentiyada - iyadoo aan loo eegayin ujeedadaii laga lahaa xogta shakhsinimada markii hore ee oo loo maareeyey.

Si kastaba ha noqotee, xuquuqda helitaanka dukumiintiyada dadweynaha ma khuseyso haddii dukumiintiyada ay ku jiraan macluumaad ay daboolayo sirta iyadoo la raacayo sharciga helitaanka dukumentiyada dadweynaha ee xogta iyo sirta. Mabda’a ku takrifalka helitaanka dukumentiyada dadweynaha ee dastuuriga ah ee ilaalintiisa kuma koobna xeerka Ilaalinta macluumaadka. Mabda 'a helitaanka dukumentiyada dadweynaha eee dastuuriga ah ilaalintiisu kuma koobna xeerka ilaalinta Macluumaadka.

Mararka qaarkood sidoo kale waxaa waajib nagu ah in aanu bixino macluumaadkaaga shaqsiyeed ee adiga kugu saabsan. Tusaale ahaan macluumaadka ku saabsan daryeelka caafimaadka waxaa la siiyaa maamulka dhexe ee arrimaha bulshada ama Daryeelka ama Kormeeraha Caafimaadka iyo Caafimaadka. Mararka qaarkood waxaa sidoo kale waajib nagu ah inaan macluumaad siino, tusaale ahaan, booliska ama adeegga bulshada ama guddiga kormeedka caafimaadka iyo daryeelka. Mararka qaarkood waxaa sidoo kale waajib nagu ah inaan macluumaad siino, tusaale ahaan, booliska ama adeegga bulshada

Muddo intee leeg ayaa macluumaadkayga shakhsiyeed la kaydinayaa?

Xogta shaqsiga ah lama keydin karo in ka badan inta loo baahan yahay. Tan macnaheedu waxa weeye marka xogta shakhsi ahaaneed aan looga baahnayn ujeedadii loo soo ururiyay, waa in markaa la tirtiraa (lagringsminimering).

Dhinaca hay’adaha dawladda, waxaa jira wax ka reeban mabda'a yareynta keydinta. Hay’adaha  waxaa ku waajib ah inay keydiyaan dukumintiyada dadweynaha si loo keydiyo mustaqbalka, xitaa marka aan dukumiintiyada looga baahnayn hawshii lagu qaban lahaa.

Taas macnaheedu waxa weeye haddii ay jiraan macluumaad shaqsiyadeed oo ku jira dukumintiyada guud kuwaas la doonayo in la keydiyo mustaqbalka, markaa waxa loo ogolyahay inay daryeelka caafimaadka ee Gobolka Stockholm ay keydiyaan muddo ka badan intii loogu baahnaa markii hore.

Waanu dhowraynaa oo ka takhalusaynaa wixii aan looga baahnayn dukumiintiyada guud iyadoo la raacayo xeerarka ay dejiyeen maamulka gobolka caafimaadka.

Waa maxay xuquuqaha aan anigu leeyahay?

Adiga oo ah qofkii lahaa macluumaad shaqsiyadeed oo ka diiwaangashan daryeelka caafimaadka ee gobolka Stockholm waxaad leedahay xuquuq ku saabsan macluumaadka iyo in aad kaantaroolsho macluumaadkaaga.

Waxaad xaq u leedahay inaad codsato koobiga macluumaadka aan kaa hayno adiga ku saabsan. Waxaad sidoo kale xaq u leedahay inaad codsato sixitaanka macluumaadka kiisaska macluumaadka diiwaangashan haddii aanay sax ahayn. Intaas waxaa sii dheer, waxaa jira xuquuq lagu diidi karo iyadoo laga shaqaynayo xogtaada shaqsiyadeed iyo mararka qaarkood in la tirtiro xogta.

Xuquuqdu waxay kuxiran tahay aasaaska sharciyeed ee ku saleysan ka shaqeynta macluumaadka shaqsiyeed. Taas macnaheedu waxa weeye in xuquuqaha qaarkood lagu dabaqayo shuruudo gaar ah.

Maxaan sameeyaan haddii aanan anigu qanacsanayn?

Haddii aanad adigu ku qanacsanayn maaraynta macluumaadka shakhsiga, waa inaad marka hore toos ula xiriirtaa qaybtii arrintaa ka mas’uulka ahayd si ay u maareeyaan.

Maadaama aad tahay qofkii jiranaa waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa guddiga qaabilsan bukaan socodka.

Waxaad sidoo kale xaq u leedahay inaad u soo gudbiso cabasho Hey'adda kormeerka macluumaadka (Datainspektionen) haddii aad isleedahay si khaldan ayaa loo maareeyey xogtaada shaqsiyeed

Warbixin dheeraad ah iyo cida lala xiriirayo

Haddii aad qabtid su'aalo ku saabsan maareynta xogta shaqsiyadeed ama xuquuqdaada sida ku xusan xeerka ilaalinta macluumaadka (dataskyddsförordningen), ama aad rabto inaad la xiriirto wakiilladayada ilaaliya xogta (dataskyddsombud), soo dhawow oo nala soo nagala soo xiriir annaga:

Postadress: Dataskyddsombudet, Stockholms läns sjukvårdsområde, Box 43436, 104 31 Stockholm, Tel: 08-123 400 00 (växel).

Epost: gdpr.slso@sll.se. Xusuusnow in aanad waligaa u dirin iimaylka wax macluumaad ah oo ku saabsan bukaank.