Akhriso buuggaaga warbixinta caafimaadka lagu qoro

Waxaad adigu xaq u leedahay in aad akhrisato buuggaaga warbxinta caafimaadka lagu qoro sidoo kalena waad ballansan kartaa nuqulo/koobiyo ka mid ah.

Haddii dadka ehelkaaga ahi ay akhriyayaan buuggaaga caafimaadka waa in aad adigu bixisaa oggolaansho. Sharciyo gaar ah ayaa khuseeya carruurta ka yar 18 sanno iyo kuwa aan qaangaarin.

Sidan ayaad samaynaysaa

La xiriir qaybta ku qaabishay, waaxda isbitaalka ama qaybta aad aaday kadibna u sheega muddooyinka u dhaxaysa ee aad xiisaynayso in aad akhrido buuggaaga caafimaadka.  Waxaad sidoo kale u baahan tahay in aad sheegto magacaaga oo dhammaystiran, tobankaaga lambar, ciwaankaaga iyo lambarka telefoonkaaga.

Haddii aad aaday ama tagtay dhowr qaybood oo kala duwan waxaad u baahan tahay in aad mid walba u tagto.

Kharash

Haddii uu buuggaaga caafimaadku yahay mid ballaaran oo weyn, ama aad codsato dhowr koobi, waxa dhicikarta in aad bixiso kharashka waraaqaha laguu koobigareeyey ah.

Ilaa sagaal bog oo koobi ah wax lacag ah ma bixinaysid. Koobiga tobnaad waxaad bixinaysaa kharash 50 karoon ah. Wixii intaa ka dambeeya koobiyada ku xigaa wuxuu kharashkoodu noqonayaa laba karoon xabadiiba.

Waxa la socda lacagta boosta lagu soo dirayo iyo kharash kale oo talo bixin ah.

Waxaad kale oo aad xaq u leedahay in aad halmar sannadii codsato dhammaan waxyaabihii diiwaanka laguugu qoray, adiga oo aan wax kharash ah ka bixin.

Ka reeban

Xaaladha qaarkood iyo wakhtiyo gaar ah inta ay adiga daaweyntu kuu socoto waxa jirikarta sababo adag oo dhinaca daaweynta awgeed in aanay haboonayn in aad hesho buuggaaga caafimaadka dhammaantii.

Sidaa daraadeed wuxuu dhakhtarkaagu had iyo jeer samayndoonaa qiimayn ah in buuggaaga caafimaadka lagu siinkaro iyo inkale. Sidaas oo kale waxay khuseysaa qofka qoraabadaada ah ee haysta oggolaanshagaaga inuu helo koobiyo ka mid ah buuggaaga caafimaadka.

Arrintani waa mid gaar ah oo adiga laguugu daynayo waana inay jiraan sababo aad u xoog badan oo keenay in aan buuggaaga caafimaadka laguu siin karin. Haddii laguu diido in lagu siiyo buuggaaga caafimaadka waad ka dacwoonkartaa go’aankaas. Waxaad heleysaa warbixin ku saabsan sida aad dacwada u samaynayso oo ay la socoto qoraal sheegaya sababtii laguugu diiday.

Haddii aad tahay waalid carruur ka mas’uul ah waxaad sharciyan xaq u leedahay in aad hesho buuggaagta caafimaadka ee carruurtaada, laakiin haddii ilmuhu weyn yahay, qaan gaaro, waxaad u baahan tahay inuu ilmuhu oggolaansho bixiyo. Sidoo kalena buugga caafimaadka lama bixinayo haddii shaki ka yimaado inuu ilmuhu khatar geleyo ama aanu qofka mas’uulka ahi ilmaha ilaalinkarin.