Ku soo dhowow daryeelka caafimaadka ee gobolka Stockholm

Waxaanu annagu bixinaa daryeel caafimaadka- iyo daryeelka bukaanka kaas oo hoos yimaada maamulka Gobolka Stockholm. Meelaha aanu dadka ku qaabilno iyo meelaha aanu hawlaha ka wadnaa dad badan waxay u tahay markii ugu horeeyey ee ay xiriir la soo sameeyaan daryeelka caafimaadka. Waxaanu annagu nahay qiyaastii 12 000 oo qof shaqaale ah.

Waxa na soo booqda oo yimaada rugaha caafimaadka ee furan shan miljan oo qof oo jiran iyo 600 000 oo daryeel caafimaad u baahan muddo sannad gudihiis ah. Taasi waxay keenaysaa in aanu annagu nahay mid ka mid ah daryeel bixiyaasha ugu waaweyn wadanka Iswiidhan.

Waxaanu annagu ka hawlgalnaa inta badan degmooyinka ka tirsan gaobolka Stockolm iyo dhammaan xaafadaha Stockolm ku yaala. Gobolka waxa qiyaastii deggan laba miljan oo qof.

Waxa annaga na saaran mas’uuliyad aad u weyn

Mas’uuliyadayadu waa mid aad u weyn sidaa daraadeed waxaanu si joogto ah uga shaqaynaa sidii aanu u hagaajin lahayn daryeelka caafimaadka. Waxaanu ku qanacsanahay inuu daryeelku sii fiicnaanayo marka qofka jiran iyo ehelkiisa meel u dhow go’aankiisa laga gaarayo. Hawlgaladayadu waxay ku shaqeeyaan cabbir ballaaran oo madaxbannaan iyo mas’uuliyad natiijo oo u gaarka ah

Hadafku waa in ay shaqaalahayagu helaan shuruudo ay ku bixinyaan daryeel caafimaad oo sax ah hab sax ah hawl maalmoodkooda. Si taa loo gaaro waa inuu qofkastaba u shaqeeyaa si hufan oo feejignaan leh, marka uu jooga meesha uu ka shaqaynayo iyo la shaqaynta daryeel bixiyeyaasha kale.

Aragtidayada, qiyamkayaga iyo siyaasada hawlaha aanu hayno ayaa aasaas u ah shaqadayada si aanu u dejino hadafka hawsha aanu qabno.

Waxaanu nahay maamul dawladeed oo cashuuraha la bixiyo lagu maalgeliyo sidaa daraadeed waxaanu ahmiyada weyn siinaa daahfurnaanta iyo inay dadweynuhu xaq u leeyihiin indho ku haynta.