Daryeelka caafimaad wakhtiga ku haboon

Hadafkagayu waa in aad adigu hesho daryeel caafimaad wakhti sax, laakiin haddii sababo jira awgeed aad sugto wakhti dheer sidan ayaa markaa khuseysa.

Xeerka 30-ka daqiiqo

Haddii aad ballansatay waqti booqasho oo aad sugto wax ka badan 30 daqiiqo, waxaad xaq u leedahay in dib laguugu soo celiyo lacagtii aad bixisay markii aad timid. Si kastaba ha ahaatee, waa inaad codsataa in lacagta dib laguugu soo celiyo inta aanad ka bixin qaybta soo dhoweynta. Waxaad sidoo kale haysankartaa kaarka lacagaha la bixiyo lagu yiimabareeyo/shaambadeeyo (högkostnadskortet).

Xeerka 30-ka daqiiqo ma khuseeyo booqashooyinka heeganka ama meelaha qaabilaadaha degdega (jour- eller akutmottagningar). Iyo xitaa haddii aad adigu booqato meelaha bilaashka ah.

Dammaanad daryeel caafimaad

Haddii daryeel bixiye kale noo soo kaa gudbiyo, ma aha inaad sugto in ka badan 30 maalmood si aad noogu timaado booqashadaada ugu horreysa.

Marka go’aan laga gaaro in lagu daaweeyo ma aha inaad sugto in ka badan 90 maalmood si ay daaweyntu u bilaabato. Waxa ka reeban haddii ay jiraan sababo caafimaad oo keenaya in waqtiga la sugo, tusaale ahaan haddii aad u baahan tahay inaad ka bogsato jirro khatar ah inta aan daaweyntu kuu bilaaban.