Cilmi-baarista iyo horumarka

Waxaanu annagu si joogto ah uga shaqaynaynaa horumarka daryeelka caafimaadka si aanu u hubino in aad adigu heshay daaweynta ugu fiican ee ugu macquulsan.

Waxaanu taas ku samaynaa in aanu tijaabino habab daaweyn ah oo cusub oo mashaariic cilmi-baarisyo oo kala duwan leh, sidoo kale waxaanu indho dheer u fiirinaa sida uu ururkayagu yahay iyo sida aanu ku sii fiicnaan karo.

Annaga oo la kaashanayna machadka Karolinska waxaanu wadnaa cilmi-baaris, horumarin iyo waxbarasho guud oo dhinaca daawooyinka, cudurada maskaxda, daryeelka dadka mukhaadaraadka qabatimay, cudurada maskaxda ee carruurta- iyo dhalinyarada, baxnaaninta iyo caafimaadka dadweynaha. waxaanu sidoo kale wadnaa cilmi-baaris ku saabsan daryeelka dadka waaweyn annaga iyo dhowr degmo oo kale.

Mashaariicda cilmi baarita waxa marwalba laga tijaabiyaa guddida dib u eegista anshaxa. Taasi waxay xaqiijin u tahay in cilmi-baarista loo samaynayo si sax ah iyo in mowqif laga qaato dheelitirka u dhexeeya faa’iidada cilmi-baarista iyo saamaynta ay ku yeelan karto daaweynta.  

Adiga ayaa go’aaminaya haddii aad rabto in aad ka qayb qaadato

Haddii aad tahay qof jiran oo annaga nala jooga waa lagu weydiinayaa haddii aad rabto in aad ka qayb qaadato mashruuca cilm-baarista. Taas macnaheedu waxaad buuxinaysaa hal ama dhowr foom oo ay su’aalo ku qoran yihiin ama waxaad samaynaysaa baarintaa dheeraad ah.

Adiga ayaa marwalba go’aaminaya haddii aad rabto in aad ka mid noqoto daraasada aanu ku weydiinayno. Go’aankaagu ma saamaynayo daaweynta caadiga ah ee lagu siiyo.

Haddii aad ku haboonaato mashruuc socda markaa waa lagu weydiindoona adiga haddii aad rabto in aad ka qayb qaadato. Waxaad markaa helidoontaa macluumaad sax ah oo ku saabsan macnaha uu adiga mashruucani kuu leeyahay.

Haddii aad xiisaynayso in aad ka mid noqoto mashaariicda cilmi-baarista – waxaad kala hadlaysaa qofka ku daaweynaya.