Shuruucda iyo xeerarka

Caafimaadka- iyo daryeelka jirooyinka waxa lagu xukumaa shuruuc- iyo xeerar si loo abuuro daryeel sugan oo aamin ah. Halkan waxaad ka heleysaa shuruuc iyo xeerar khuseeya marka aanu annagu ku daaweynayno.

Maaraynta macluumaadka shakhsiga daryeelka caafimaadka ee gobolka Stockholm gudihiisa

Markasta oo aad adigu la soo xiriirto daryeelka caafimaadka waxa la diiwaangelinayaa macluumaadka adiga kugu saabsan. Waxaa si taxaddar leh loo go’aamiyey si la ogol yahay inay dareelka caafimaadku wax u diiwaangeliyaan iyo siyaabaha ay u isticmaalikaraan macluumaadka shakhsiyeed. Sidaa daraadeed waxa annaga na saaran mas’uuliyad weyn sidii aanu si sax ah ugu maarayn lahayn macluumaadkaaga shakhsiyeed si siwanaagsan loogu hubiyo in la qabtay shaqo ammaan ah isla markaana loo ilaaliyo badbaadadaada qofnimo

Waxa jira xaalado dhowr ah marka aanu annagu maaraynayno macaluumaadka shakhsiyeed. Xaaladaha ugu caansan waa:

  • Qoraal diiwaangelin ah oo ku saabsan daryeelka caafimaadka.
  • Tirokoobka gudaha daryeelka caafimaadka.
  • Dabagalka hawsha la qabtay iyo hubinta tayada daryeelka.
  • Cilmi baaris ku saabsan daryeelka caafimaadka
  • Arrimaha shaqaalaha, sida mushahaarooyinka, jiro ku maqnaanshaha iyo codsiyada shaqooyinka.

Shuruucda iyo xeerarka lagu hogaamiyo

Macluumaadka shakhsiga waxa la ogol yahay in loo ururiyo oo loo maareeyo si waafasan hadafkii loogu talagay oo keliya. Lama oggola in macluumaadka shakhsiga la ururiyo wax ka badan inta lagama maarmaanka u ah hadafka loogu talagalay mooyaane. Sidoo kale macluumaadka lama oggola in la kaydiyo in ka badan wakhtiga lagama maarmaanka mooyaane ama loo maareeyo si ka duwan sidii markii u hore loogu talagalay. 

Maaraynta macluumaadka shakhsiga waxa xukuma dhowr sharci kuwaas oo ilaalinaya badbaabda shakhsinimadaada: tusaale ahaan sharciga helitaanka dadweynaha- iyo sharciga sirta, xeerka ilaalinta macluumaadka iyo sharciga macluumaadka bukaan socodka. Xeerka ilaalinta macluumaadka (xitaa waxa la yiraahdaa GDPR) waa sharci cusub oo EU-da oo dhan ka dhexeeya kaas oo beddelaya sharcigii hore ee macluumaadka shakhsiga.

Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan sida aanu annagu u maarayo macluumaadkaaga ama xuquuqdaada sida ku xusan xeerka ilaalinta macluumaadka, ama aad rabto in aad la xiriirto wakiilka ilaaliya macluumaadka soo dhawow oo nala soo xiriir annaga.

Cinwaanka boosta: Dataskyddsombudet, Stockholms läns sjukvårdsområde, Box 43436, 104 31 Stockholm,

Tel: 08-123 400 00 (växel).

Epost: gdpr.slso@sll.se. Xusuusnow in aanad weligaa iimayl ku dirin wax macluumaad ah oo ay ku jiraan macluumaadka bukaanka socdka.

Sharciga macluumaadka bukaan socodka

Xeerarka lagu maareeyo macluumaadka shakhsiga ee gudaha daryeelka caafimaadka wuxuu ku qoran yahay Sharciga macluumaadka bukaan socodka (Patientdatalagen). Sharcigu wuxuu nidaaminayo waxa ka mid ah:

  • Fursadaha loogu talagalay shaqaalaha daryeelka caafimaadka kuwaas oo ka qayb qaadanaya qof jiran oo gaar ah si ay shaqaaluhu u helaan buuggiisa macluumaadka ee loo baahan yahay si loo daryeelo xitaa haddii ay shaqaaluhu ka mid yihiin urur kale oo daryeel caafimaad ah
  • Xeerar khuseeya shaqadooda ee gudaha daryeelka caafimaadka si ay u helaan macluumaadka ay u baahan yihiin qofka bukaan socodka ah
  • Xuquuqda qofka bukaan socodka inuu joojiyo macluumaadka ku qoran diiwaanka buuggiisa ee sistamka nidaamka elektarooniga

Sharciga dareelka caafimaadka

Sharciga daryeelka caafimaadka waxa loogu yeeraa shaciga xaddaynta waxaana ku jira xeerar aasaasi  ah oo ku saabsan dhammaan daryeelka caafimaadka. Maadaama aanu annagu nahay daryeel bixiye wuxuu kaloo xitaa sharcigu waajib nagaga dhigayaa in aanu adiga ku siino daryeel maadaama aad tahay qof jiran.

Sharciga taageerada iyo adeegga dadka naafada ah qaarkood (LSS)

Ujeeddada sharciga ayaa ah in adiga oo ah qofkii naafada ahaa aad hesho taageerada aad u baahan tahay si aad ugu noolaato nolol madax-bannaan sida ugu macquulsan. LSS waxa loogu yeeraa sharciga xuquuqda. Taas macnaheedu waxa weeye waxaad u dacwoonkartaa maxkamada haddii aan lagu siin taageerada aad u baahan tahay.

kharashka isbitaalka iyo ilaalinta kharashka badan (Patientavgifter och högkostnadsskydd)

Daryeelka caafimaadka Iswiidhan waxa inta ugu badan bixiya maamulka caafimaadka gobolka- iyo lacagaha cashuuraha degmada, kharashka aad adigu tusaale ahaan bixisid marka aad takhtarka la ballansan tahay waa qayb yar oo ka mid ah waxa dhab ahaantii ku baxa.

Ilaalinta kharashka badan (Högkostnadsskydd) macnaheedu waa inuu jiro xad inta loogu talagalay in aad adigu ku bixiso daryeelka caafimaadka. Ilaalinta kharashka badan (Högkostnadsskydd) waxa si isku mid ah loogu qorsheeyey caafimaadka gobolada Iswiidhan dhammaantood. Macluumaad dheeraad ah oo khuseeya kharshka isbitaalka iyo Ilaalinta kharashka badan (Högkostnadsskydd) waxaad ka akhrisan kartaa bogga 1177 Vårdguiden.

Sharciga bukaan socodka

Sharciga bukaan socodku wuxuu bilaabmay 1 janaayo 2015. Ujeeddada ugu muhiimsan ee sharciga ayaa ah in la xoojiyo mowqifka qofka bukaan socodka ah iyo in dadka laga dhigo kuwo si weyn uga qaybqaata daryeelka caafimaadkooda.

Sharcigu wuxuu suurtogelinayaa in aad adigu ka doorato daryeel bixiye ay dawladu maagliso iyo daryeel bixiyeyaal caafimaad oo khaas ah oo furan wadanka gudihiisa oo dhan ah. Waxaad sidoo kale iska diiwaangelinkartaa gobol kale oo aan ahayn kan aad deggan tahay. Gobolka aad deggan tahay ayaa bixinaya kharashka gobolka kale, laakiin adiga ayaa ka mas’uul ah kharashka kugu baxa ee safarka iyo masruufka.

Qayb muhiim ah ee sharciga ayaa ah in shaqaalaha daryeelka caafimaadka ay leeyihiin waajibaad dheeraad ah inay warbixin qofka bukaan socodka ah siiyaan taas oo ku sabsan xulashooyinka, khataraha iyo fursadaha jira. Waxyaanaha la siinayo qofka buka waxa ka mid ah macluumaad ku saabsan hababka daaweynta iyo khataraha dhibaatooyinkooda

Sharciga badbaada bukaan socodka (Patientsäkerhetslagen)

Sharciga badbaadada macnahiisu waxa ka mid ah in daryeel bixiyaha la siiyey mas’uuliyad cad oo ku saabsan inuu helo kadibna uu talaabo ka qaado khaladaadka nidaamsan. Waxa kale oo ku jira sharciga badbaadada nidaamyo khuseeya sida loo maareeyo cabashooyinka daryeelka caafimaadka. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan shaqada badbaada bukaan socodka waxaad ka heleysaa meesha ay ku taalo Daryeel badbaado iyo aammin ah (Trygg och säker vård ovan).

Xog qarinta iyo qarsoodiga (Tystnadsplikt och sekretess)

Dhammaan dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaadka waxaa waajib ku ah xog qarinta. Taas macnaheedu waxa weeye in warbixinta ku saabsan xiriirka aad adigu la leedahay daryeelka caafimaadka iyo daaweynta aad ka hesho, aan la oggolayn in meelkale loo gudbiyo adigoon raali ka ahayn. Taas waxa lagu nidaamiyey sharciga helitaanka dadweynaha- iyo sharciga qarsoodiga kaas oo khuseeya dhammaan dadka ka shaqeeya meelaha caafimaadka dadweynaha iyo daryeelka caafimaadka jirooyinka. 

Dammaanada daryeelka

Dammaanada daryeelku waa qayb ka mid ah qaanuunka daryeelka sharciga caafimaadka. Dammaan qaadida daryeelku waxay sheegtaa muddada xaddidan ee uu caafimaadka gobolku ama gobolku adiga ku siinayo daryeel caafimaad. Dhanka kale dammaanadda daryeelku ma nidaaminayso in daryeel qobolka la siiyo ama nooca daryeelka aad heleyso. Wuxuu aasaas u yahay