Diiwaanka tayada

Diiwaangelinta tayada ayaa ah hab qaabaysan oo aanu daryeelka caafimaadka annagu ugala socono cudurada kala duwan si aanu u wanaajino daaweynta

Iyadoo laga mid noqdo tayada diiwaanka qaranka waxaad markaa gacan ka geysanaysaa wanaajinta daryeelka jirooyinka. Markay dad badani ka qayb qaataan tirokoobka waxa hubaal sii noqonaya natiijooyinka ka soo baxa. Waxaanu markaa natiijooyinka u adeegsanaa horumarka dhinaca shaqada. 

Diiwaanada tayada dhammaantood waxay leeyihiin sir adag oo qarsoodi ah macluumaadkoodana waa la kaydiyaa oo waxa loo beddelaa lambar sir ah si aan macluumaadkaa qof gaar ah loola xiriirin karin. Marka macluumaadkaas la ogaado in aan looga baahnayn inuu ku jiro mardambe diiwaanka waa laga tirtiraa.

Xuquuqdaada

Adiga oo ah qofkii jirranaa waxaad xaq u leedahay in aad ogaato macluumaadka adiga kugu saabsan ee ku jira diiwaanka tayada sida loo istcimaalo. Tusaale ahaan macluumaadka waxa mararka qaarkood loo gudbiyaa si cilmi baarin loogu sameeyo ama ujeeddo cilmi baaris ah.

Meesha adiga ku qaabisha (mottagning) ayaa kaa caawinkarta in aad ka hesho xog ka mid ah wixii macluumaad ah ee adiga kugu saabsan ee ku jira diiwaanka. Waxaad sidoo kale xaq u leedahay in aad ogaato in macluumaadka laga soo qaatay meel aan ahayn buugga dhacdooyinka caafimaadkaaga lagu qoro (patientjournalen) ama in adiga qudhaada lagu weydiiyey.

Arrinta diiwaanku waa mid gebi ahaanba aad adigu ikhtiyaar u leedahay in aad ka mid noqoto iyo in kale wax saamayn ahna kuma yeelanayso daryeelka caafimaad ee lagu siiyo. Haddii aanad rabin in aad ka mid noqoto waxaad u sheegaysaa qaybta aad ku socoto ee ku qaabilaysa. Marka aad doontona waad ka noqonkartaa go’aankaagii hore.

Miyaad rabtaa in aad adigu ogaato warbixin intaa ka badan?

Miyaad adigu martaa in ogaato diiwaangelinada tayada ee ay qaybta adigu ku qaablsani warbixinta u dirto waxaad weyndinkartaa qofka markaa ku daaweynaya.