Daryeel sugan oo ammaan ah

Waxaad halkan ka heleysaa macluumaad ku saabsan xuquuqdaada iyo sida aanu uga shaqayno daryeel sugan oo ammaan ah.

Adiga oo ah qofkii bukay waa in marka aad annaga nala jooto aad dareentaa ammaan. Waa qayb muhiim ah waana in aad ogtahay xuquuqdaada. Qofka jiran iyo qaraabadiisuba.

Boggagan waxaanu ku soo ururinay warbixino ku saabsan xogta diiwaangelinta iyo sida ay u shaqayso xogaha sirtu (sekretessen), iyo weliba sidoo kale in aad adigu qayb ka noqoto daryeelka caafimaad ee lagu siinayo iyo sidii aad u soo gubdin lahayd aragtiyadaada iyo cabashooyinkaaga.

Waxaanu sidoo kale ka hadlaynaa shaqadayada dhinaca ammaanka ee dadka jiran iyo sida tayada diiwaangelintu u caawiso horumarka daryeelka caafimaadka.

Waxaad kaloo ka akhrisan kartaa sharciyada ugu muhiimsan ee lagu maamulo daryeelka caafimaadka iyo waxa ay tahay dammaanada daryeelku (vårdgarantin).