Hagaha adeegyada elektarooniga (1177 Vårdguidens e-tjänster)

Hagaha adeegyada elektaroonigga ah ee 1177 Vårdguiden waxay furan yihiin 24 saacadood maalintii, sanadka oo dhan. Tani waxay kuu suurto gelinaysaa inaad la xiriirto daryeelka caafimaadka markay adiga kugu habboon tahay. Waa amaan iyo badbaadoba wuu leeyahay.

Waxaad tusaale ahaan ka ballansankartaa wakhti, wakhtigii horena waad joojinkaraa oo dib ayaad wakhti kale uga ballansankartaa, waxaad cusboonaysiin kartaa daawooyinka ama waxaad ka codsankartaa inay qaybta qaabilaadu ula soo xiriiraan.

Hagaha adeegyada daryeelka elektarooniga 1177 Vårdguiden waxaad ka isticmaalikartaa kumbiyuutarka, Ipadka ama en smart mobiltelefon

Sidee ayaan u sameeyaa?

Si aad u gasho 1177.se, waxaad u baahan tahay aqoonsi elektaroonig ah, ama BankID ama Freja eID Plus. Si aad awood ugu yeelato inaad gasho, waa inaad ka diiwaangashan tahay Iswiidhan.

Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan sida aad u geleyso bogga (1177.se)