Bey’adda shaqada iyo caafimaafka

Nawaaxiga daryeelka caafimaadka ee gobolka Stockholm gudihiis goobaha shaqada dhammaantood waa in lagu gartaa jawi furan, shaqo gacan ka geysanaysa caafimaadka, hoggaan firfircoon, sinnaanta jinsiga iyo kala duwanaanta.

Sidaa daraadeed waxaanu annagu rabnaa in:

  • Dhammaan ay shaqaalaheenu dareemaan in la arkayo, la maqlayo, la ixtiraamayo lana wada abuuray.
  • Maamulayaasheena iyo hogaamiyeyaasheena ayaa inoo suurta gelinaya in aan abuurno nolol shaqo oo waarta iyada oo loo marayo shaqo bey’addeed oo muddo dheer socota.
  • Ka qayb qaadashada iyo iyo iskaashigu waa mid iska cad oo aan shaki ku jirin

Goobaha shaqada ee dhiirigelinta caafimaadka:

Meelaha gudaha ee aanu shaqooyinka ka wadno waxaan doonaynaa in aanu diiradda la saaro shaqo kor u qaada caafimaadka. Waxa laga hadlayaa waa garashada iyo bixinta xaalado wanaagsan iyadoo, tusaale ahaan;

  • abuuritaan ka qayb qaadasho iyo daacadnimo guud oo hadaf cad leh, nidaamo la raaco iyo doorar
  • in la abuuro fursado horumarin ah hawlaha la hayo, horumarinta dhinaca aqoonta iyo in la isku dayo hawlo shaqo oo cusub
  • in lays ixtiraamo oo uu qofba qofka kale ka faa’iidaysto – loo fikiro sida kooxda
  • siin iyo helitaan jawaab celin joogto ah
  • in mas’uuliyad gaar ah layska saaro caafimaadka iyo qaab nololeedka iyo inaynu xakamayno nolol maalmeedka
  • in la bixiyo oo la dhiirigeliyo akitiifiteetyo ku wajahan caafimaad qabka lana fududeeyo waxyaabaha lagu dooranayo caafimaad qab wanaagsan

Baxnaanin

Waxaanu sidoo kale annagu si aktifnimo leh u wadnaa shaqo baxnaanin. Hadafkeenu waa in shaqaalaha sababo jiro awgeed ama dhaawac dartiis, ay awoodoodii shaqo u yaraatay aanu sida ugu dhaqsaha badan, loo sameeyo baxnaanin wanaagsan si ay awoodoodii shaqo ugu soo noqoto, oo ay shaqadoodii dib ugu noqonkaraan.