Ka qayb qaadashadaada

Waa muhiim in adiga oo ah qofkii jiranaa aad ka qayb qaadato go’aamada daryeelka caafimaadkaaga. Taasi waxay kor u qaadaysaa in aanu annagu kaa caawino si aad ugu noolaato nolol wanaagsan oo tayo leh.

Ujeeddadu waa in adiga oo ah qofkii jiranaa iyo dadka qaraabadaaduba aad ka qayb qaadataan oo aad awood u yeelataan in aad saamayn ku samaynkartaan daryeelka lagu siinayo. Waxa jira dhowr gole oo kale duwan oo taas loogu talagalay arrintaas.

Meelo badan oo ka mid ah meelaha aanu hawlaha ka wadno waxa jooga gudiyo loogu talagalay dadka jiran iyo qaraabadooda. Waxa kale oo iyaguna jira ururo badan oo xiisaynaya inay kaa caawiyaan si ay kuugu ilaaliyaan xuquuqdaada ama adiga ku siiyaan taageeyooyin kale. Waydii qaybta adiga ku qaabisha ama qaybaha kale ee aad fursadaha ka helikarto

Fikirkaagu waa muhiim

Dhowr qof oo dadka jirran ka mid ah ayaa si nasiib ah loo xushay kuwaas oo ku jiran daryeelka caafimaadka ee gobolka Stockholm waxa guriga loogu dirayaa foom su’aalo ah oo dadka jirran loogu talagalay. Waanu kugu mahadinaynaa haddii aad rabto in aad naga caawiso sidii aanu daryeelka caafimaadka uga sii fiicnayn lahayn adiga oo buuxinaya foomka su’aalaha. Haddii marka aad foomka hesho adiga aanay kugu haboonayn waxaad marwalba la hadlikartaa soo dhowayntaada si lagaa daayo foomka fu’aalaha.

Ma aha arrintu in aad sugto oo keliya in foomka su’aalaha dadka jirran guriga laguugu soo dirayo, ee laakiin wakhti kasta waa lagugu soo dhowaynayaa in aad fikradahaaga keento.