Shaqo tayo leh

Haddaanu annagu nahay dadka ka hawlgala nawaaxiga daryeelka caafimaadka ee gobolka Stockholm in dadkaya jirran iyo kuwa isticmaala adeegyadayada ay helaan daryeelka iyo daaweynta ugu fiican.

Daryeel wanaagsan

SLSO waxay bixisaa daryeel badbaado oo wax ku ool leh iyo daaweyn ku salaysan aqoonta ugu fiican ee la yaqaano. In la arko oo la maqlo, qofka jiran, ka adeega isticmaalaya iyo qaraabadoodaba waa qayb muhiim ah oo ka mid ah shaqadaas.

Daryeelku wuxuu rebaa aragti guud, ka qayb qaadashada dadka jiran iyo kuwa adeegyada isticmaala, soo dhaweyn wanaagsan iyo helitaan daryeel sare. Hababka shaqada caafimaadka kor loogu qaado iyo ka hortaga ayaa ah qayb dabiici ah oo shaqada caafimaadka ku jirta. Himilooyinkaga ayaa ah in aanu bixino “Daryeel sax ah meesha iyo goorta aad adigu u baahan tahay”.

Iyadoo ay weheliyaan machadka Karolinska Institutet (KI) iyo jaamacado kale waxay ku jiraan cilmi baarisyo, warbarasho iyo mashaariic kuwaas oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo daryeelka caafimaadka.

Shaqada tayada leh ee daryeelka caafimaadka

Si loo bixiyo daryeel wanaagsan waxa muhiim ah in la ogaado waxa ay dadka bukaanka ah iyo kuwa isticmaala adeegyada ay ka aaminsan yihiin daryeelka caafimaadka. Sidaa daraadeed si jooto ah ayaa wadanka looga sameeyaa baaritaanku ku saabsan dadka bukaan socodka ah sidoo kale qaar ka mid ah qaybahayaga ayaa iyaguna sameeya baaritaano annaga noo gaar ah. Natiijooyinka ka soo baxa baaritaanadaas waxa kadib loo isticmaalaa shaqo tayo leh. 

Aragtiyo

Iyadoo aan loo eegayn in aad adigu tahay qofkii bukey ama qof qaraabadiisa ah waa in aad dareento in aad adigu ku qanacsan tahay soo dhaweyn tayada iyo natiijada daryeelka caafimaad ee aanu bixinay.

Waanu soo dhaweynaynaa aragtiyadaada ee marka ugu horeysa u gudbi aragtiyadaada qaybta aad xiriirka la yeelatay. Haddii sababo jira awgeed aanay habboonayn in aad soo gudbiso waxa jira habab kale oo lagu fulinkaro. Fiiri (länk).

Shahaadada-ISO

Laga bilaabo bishii abril 2013 waxa dareyeelka caafimaadka ee nawaaxiga gobolka Stockholm la siiyey shahaadooyin tayo aha (ISO9001), bey’adda shaqada (OHSAS 18001) iyo bey’adda (ISO 14001). Waxaanu markaa ahayn waxqadka (verksamheten) labaad ee gudaha Gobolka Stockholm ee ku haysta saddex meelood shahaado.