Buuggaaga caafimaadka

Daryeelka caafimaad ee adiga lagu siiyo dhammaantii waxaa lagu qoraa buuggaaga bukaanka caafimaadka.

Qarsoodi (sekretess)

Ma jiro qof aan adigu xiriir kula ahayn oo kale oo akhriyi kara mcaluumaadka ku qoran buuggaaga bukaanka. Sidoo kale daryeel bixiyeyaasha kale lama wadaagno macluumaadkaaga haddii aanad adigu oggolaanin. Taas ayaa iyaduna khuseysa dadka aad qaraabada tihiin haddii aad adigu tahay qof qaan gaar ah.

Sharciyo gaar ah ayaa khuseeya macluumaadka loogu talagalay carruurta ay da’doodu ka hooseyso 18 sano, kuwaas oo qaraabo la ah qof jirran.

Isku soo ururinta buugga caafimaadka

Si aanu adiga kuu siino daryeelka ugu wanaagsan sida ugu macquulsan waxaanu isticmaalaa waxa la yiraahdo isku soo ururinta buugga dhacdooyinka bukaanka lagu qoro ee labada gobol Stockholm iyo gobolka Gotland. Taas macnaheedu waxa weeye annaga iyo daryeel bixiyeyaal kale oo badan – tusaale isbitaalladu – waxaanu helikarnaa macluumaadka buuggaaga ku qoran oo dhan. Waxaanu taas u samaynaa si aan u hubino in aad heshay daaweyn sax ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaa in aad adigu marwalba bixiso oggolaansho si aanu annagu ula wadaagno macluumaadka ku qoran buuggaga caafimaadka daryeel bixiyeyaasha kale.

Ujeedda isu soo ururinta buuggaaga caafimaadka ayaa ah si aanu annagu u helno sawir dhammaystiran oo ku saabsan baahiyada daryeel oo aanu hubino inuu macluumaadkaagu yahay mid hadda taagan. Uma baahnid in aad marwalba ku soo celceliso oo aad sheegto taariikhda dhinaca caafimaadkaaga marka aad u timaado daryeel bixiye cusub.

Warbixintaada waxa lagu ilaalinayaa iyada oo la kaashanayo sharciga macluumaadka bukaan socodka.

Waxaad orankartaa maya

Waxaad xaq u leedahay in aad tiraahdo maya buuggaaga caafimaadka ee laysu soo ururinayo. Xaalada noocaas oo kale ah waxaad wargelinaysaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee aad la kulmayso. Iyada ayaa kaa caawinaya in aad buuxiso foomam loo baahan yahay si loo xakameeyo buuggaaga caafimaadka sidoo kalena waxay adiga ku wargelin doonaa macnaha ay leedahay.

Markaa macluumaadka ku qoran buuggaaga caafimaadka waxa laga xaiyarayaa daryeel bixiyeyaasha kale. Haddii laga xayiro buuggaaga caafimaadka daryeel bixiyeyaasha kale waa in aad adigu markaa u sheegtaa shaqaalaha daryeelka ku siinaya ee daryeel bixiyeyaasha kale waxa ay iyagu u baahan yihiin si ay adiga kuu siiyaan daryeel caafimaad oo fiican.

Mas’uuliyiinta carruurta xaq uma laha inay xanibaan ama joojiyaan buugga caafimaadka ee carruurtooda. Si kastaba ha noqotee markuu ilmuhu sii koro ee uu sii garaadsadaba ilmaha ay da’diisu ka yartahay 18 sano isaga ayaa xaq u leh inuu xanibo ama uu joojiyo buugga caafimaadkiisa.

Waxaad xaq u leedhay in aad aragto qofka akhriyey buuggaaga caafimaadka

Maadaama aad tahay qof jirran waxaad xaq u leedahay in aad aragto dadka galay ee akhriyey buuggaaga caafimaadka. La xiriir qaybta ama kuwa ku qaabilay ee ku daaweeyey oo waxaad waydiisataa waxa la yiraahdo (loggutdrag). I loggutdraget waxaad ka arkin kartaa goorta iyo qaybta ay dadku ka fureen buuggaaga caafimaadka. Loggutdraget waxa loo habeeyey si aad si fudud ugu aragto qaybta daryeelka ee akhriday buuggaaga iyo goorta ay dhacday.