Buugga caafimaadka adigoo adeegsanay shabakadda

Sida ayuu ugu shaqeeyaa buuga caafimaadku marka shabakada la adeegsanayo.

Haday adiga da’daadu tahay 16 sano ama aad ka weyn tahay oo aad rabto in aad buuggaaga caafimaadka (Journal) ka akhrido shabakada waad samaynkaraa adiga oo ku geleya habka aaminka ee e-legitimationka bogga 1177 Vårdguiden.

Si ay taasi kuugu shaqayso waxaad marka hore u baahan tahay in aad koonto ka samaysato adeega (1177 Vårdguidens e-tjänster). Dabcan sidoo kale daryeel bixiyahaagu wuxuu u baahan yahay inuu shabakada ka galo buuggaaga caafimaadka.

Talaabada koowaad waxaad arkidoontaa qoraaladii lagu qoray buuggaaga caafimaadka, natiijooyinkii baaritaanada qaarkood iyo baaritaanadii cudurada iyo in aad si guud uga aragto booqashooyinkii aad hore ugu booqatay daryeelka caafimaadka. Inta badan waxaad arki doontaa in aad ka akhrido macluumaadkii ay daryeel bixiyeyaasha kaa qoreen laga soo bilaabo 1 janaayo 2016.

Waxa marwalba jira dib u dhac ku yimaada inta aan lagu qorin buuggaaga caafimaadka in aad ka aragto booqashadii ugu dambaysay shabakada. Waxyaabo badan ayaa sabab u noqonkara, sida xiriirka u dhexeeya sistamka buugga caafimaadka iyo adeega buugga caafimaadka ee shabakada, maamulka daabicida, natiijooyinka tijaabooyinka iyo waxyaabo kale

Haddii muddo kadib aanad weli helin macluumaad, la hadal daryeel bixiyahaaga.

Qaybaha dhimirka ee dadka ay da’doodu ka yar tahay 18 sano ilaa iyo hadda kuma jiro buuggooda caafimaadka shabakada.