Qofka annaga noo shaqaynaya

Haddii aad adigu rabto in aad shaqada aado adiga oo dareemaya in aad maalin kasta samayso isbeddel markaa waa in aad annaga noo shaqaysaa.

Annaga waxaad naga heleysaa shaqooyin macno leh, fiican oo xiiso badan leh wax badana dib kuugu soo celinaya kuna siinaya fursado horumar leh oo wanaagsan. Haddaad annaga noo shaqayso waxaad heleysaa in aad saamayn ku yeelato iyo fursad ah in aad saamayn maalinta aad shaqaynayso aad ku yeelato.

Shaqada ugu muhiimsan Iswiidhan adiga ayey ku sugaysaa

Shaki kuma jiro inay shaqada ugu muhiimsan Iswiidhan ay tahay tan daryeelka caafimaadka.

Gobolka Stockholm aad ayuu u korayaa oo dhammaan daryeelka caafimaadkayagu wuxuu wajahaya horumar xiiso leh. Miyaad adiguna rabtaa in aad hesho fursad si aad nooga mid noqoto oo aad saamayn ku yeelato?

Waxaanu annagu jecelnahay inay dadku kala duwanaadaan oo waxaanu adiga ku siinaynaa fursad in aad ku horumariso meelaha meelaha aad xiisaynayso shaqada.

Shaqo wax badan dib kuugu soo celisa

Hawsha aanu annagu qabanaa waxay socotaa habeen iyo maalin oo waxaanu bixinaa daryeel caafimaad oo tayo sare leh gobolka Stockholm gudihiisa. Waxaanu ka hawlgalnaa meelo kala duwan oo badan oo waxaanu qiyaastii maanta nahay 11 500 oo shaqaale oo leh boqolaal xirfadood. Guruubada xirfadaha ee annaga noogu badani waa kalkaaliyeyaal caafimaad, dhakhaatiiro iyo kuwa qaabilsan qaybta dhimirka (skötare).

Qofba qofka kale ayaanu shaqada si joogto ah u kala baranaa si aanu u helno qaabab shaqo oo wanaagsan. Sidaa waxa loo samaynayaa si aanu dadka si wanaagsan ula kulano oo aanu gacanta ugu dhigno dadka noo imanaya dhammaantood.

Qiyamka guud (Gemensam värdegrund)

Haddii aad annaga shaqo naga raadinayso waxaanu si cad u rabnaa in aad nala wadaagto qiyamkayaga guud: diirada waxa la saarayaa qofka jirran, inay dhammaan dadku isku qiimo yihiin iyo  ku qanacsanaanta shaqada.

Waxa aad adigu shaqada ka qabato maalinkasta waxay beddeshaa noöosha dad badan.